Puntland oo qof kasoo jeeda K/Galbeed xil u magacowday

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cali Salaad ayaa lagu sheegay in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in la helo qof xilkan buuxiya Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed loo magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

Sidoo kale ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal ayaa la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay amniga iyo arrimaha ganacsatada Koonfur Galbeed sida warqadda ku cad.