Sawirro: Wafdi ka socda UK oo soo gaaray Hargeysa iyo kulamo ay ka qeyb-galeen

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafdi ka socda dalka Ingiriiska ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaasi oo kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Wafdigan oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska iyo Safaaradaha Ingiriiska ee dalalka Itoobiya iyo Kenya, ayaa maanta waxa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Kulankan uu maanta Agaasimaha Warfaafinta, Mukhtaar Maxamed Cali uu la yeeshay wafdigan ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa oo si gaara diirada loogu saarey wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada xafiis ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo Wasaarada Arrimaha Dibada Ingiriiska.

Agaasime Mukhtaar ayaa ugu dambeyntiina dowlada Ingiriiska uga mahad celiyay sida muga leh ee ay uga qeyb qaadatay diyaarinta qabyo qoraalka xeerka saxaafada Somaliland.

Kulankan ayaa waxa Agaasimaha ku wehlinayey Agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Isgaarsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com