Wararkii ugu dambeeyay magaalada Beledweyne iyo wafuud maanta tagaysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiisad ay ka taagneyd.

Xiisadaasi ayaa sababtay inuu ku geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan dagaal ka dhacay deegaanka kalabeyr ee gobolka Hiiraan, waxaana socda baaritaan lagu sameynayo dadkii falkaasi amray.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee ku sugan magaaladaasi.

Xildhibaano Daahir Amiin Jeesow oo deegaan doorashadiisa tahay Hiiraan ayaa kamid ah xubnaha maanta tagaya magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxda maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday.

“Xildhibaanada golaha Shacabka way la socdaan waxyaabaha taagan, ujeedada waxay tahay inaan xal u raadino dhibaatadii dhacday, waxaan la soconaa dhibaatadii ka dhacday Beledweyne inay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay Kalabeyr ciidamo kala duwan, laakiin waa la baarayaa inay dowladda ka tirsanaayeen iyo in kale”ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan ay kulamo arimahaasi looga tashanayo ku yeesheen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kasoo saareen baaq nabadeed.

Magaalada Beledweyne waxaa hadda ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle oo u tagay magaaladaasi sidii loo dhaqan gelin lahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com