“Waa ayaan daro weyn in DF oo aan Xamar ka wada talin ay sheegato Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ayaan daro ku tilmaamay inay dowlada Farmaajo ay lidi ku noqdaan horumarka Somaliland, iyada oo aan ka wada talin caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa wuxuu xukuumada Biixi ugu baaqay inay hoos u eegto oo ay dhageysato tabashada ay qabaan beelaha darafyada, wuxuuna yiri “Dawlad kasta oo Xamar ka dhalata, waxaa dhaqan u noqday inay Somaliland lidi ku noqdaan, oo ay yidhaahdaan anaga ayaa maamulna ama u talina, meel ay ka maamulan ama ay uga taliyana ma jirto”

“Waana ayaan daro weyn in Dawladda Somaliya oo aan Xamar ka wada talin inay Somaliland sheegtaan, laakiin wey nagu xiiqayaan, tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dare, ee Somaliya waxaanu leenahay Somaliland ma gaadhana ee ha isku dhererina, oo jaarnimadu ha inaga dhexeeyso”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa jira cabashooyin iyo tabashooyin, loo baahan yahay in wax laga qabto, ee Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu wax ka qabto cabashooyinka iyo tabashooyinka jira ee ay sheeganayaan Beelaha Darafyadu, maxaa yeelay Somaliland Beesha oo qudhi ma leh, ee waa la wada leeyahay, oo Beelaha darafyaduna Somaliland wey leeyihiin”.

“Xisbiyadu inay mar hore heshiis gaadhan bay ahayd, si ay Doorashadu u dhacdo, Xisbiga Waddani xaq buu ku taagan yahay, sababtoo ah wuxuu diidan yahay Komishankani inay Doorasho dambe qabtaan, taasna xaq buu u leeyahay, markaas maan garan sababta la iskugu dhejinayo ilaa hadda Komishankan, ee si ay Doorashadu inoogu qabsoonto waa in Komishankan la kala diraa, waxaana kala diri kara waa Madaxweynaha”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com