Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo ka hadlay xiisada Boqor Buurmadow iyo xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada maalmaha ka dhex aloosan Xukuumada Muuse Biixi iyo Boqor Buurmadow oo kamida madax dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale ka hadlay shir uu dhawaan ku baqay Boqorku oo xukuumadu ka biyo diiday, isagoona xukuumada Biixi ku dhaliilay dacwad uu sheegay inay wadanka Imaraadka uga gudbisay Buurmadow, oo dhowaanahan ku sugan dalkaasi.

Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha Habarjeclo namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso”.

“Ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno. Shacabkana waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com