Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Jawaab adag ka bixiyay qoraal kasoo baxay Michael Keating (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa wuxuu ka jawaabay warqad ka soo baxday Xafiiska Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating.

Jawaabta Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi, ayaa ku qotonta haddalkii Keating ee ahaa in la xaqiijiyo saamiga haweenka ee ku aadan Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada Aqal.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddalka Keating uu imaaday xili aan munaasib aheyn, waxa uuna tilmaamay in Guddiga labada aqal ee dib u eegista Dastuurka markii loo tartamayay ay kaliya hal Gabar isa soo sharraxday taasna aysan ku guuleysan in ay soo baxdo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu sidoo kale sheegay in 54 xubnood ee Golaha Aqalka Sare ay 13 ka mid ah Haween yihiin.

Waxa uu intaa ku daray in doorashada 5ta xubnood ee Aqalka Sare u mataleysa Guddiganna ay u dhacday si caddaalad ah iyada oo aanay jirin cid gaar ah looga saaray, halkaas gabarna isa soo sharraxday.