Sawiro: Xildhibaano caan ah oo ka tirsan DF oo taageeray xilka ka qaadista Cosoble

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xildhibaanada Hirshabeelle ay xilka u qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanada oo ay ka dhexmuuqdeen Xildhibaan C/qaadir Cosoble,Daahir Amiin Jeesow iyo Wasiirkii hore ee amniga Dowladdii Xasan Sheikh hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa si xoog leh u ayiday xilka ka qaadista lagu sameeyay madaxweyne Cosoble.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in la galo qaban qaabada doorasho lagu soo doorto madaxweyne ay si weyn ugu baahi qabaan shacabka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Madaxweynaha Xilka la qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa si weyn uga hor yimid talaabadaasi,islamarkaana wuxuu sheegay in sharci daro tahay madaxweynaha saxdana uu isaga yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maanta ku laabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in sharci ay tahay xilka ka qaadista,islamarkaana uu madaxweyne si KMG ah u sii ahaanayo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.