Gudoomiyaha maxkamada sare Galmudug oo ka cararay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in magaalada Cadaado uu ka cararay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha uu magaaladaasi ka cararay ka hor inta uusan ku dhawaaqin go’aanka kasoo baxay isagoo shir jaraa’id ku qabtay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Gelinsoor iyo Gaalkacyo.

Xilliga uu go’aankaan qaadaney Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa ag yaalay Baabuur Saruf ah oo uu doonayey inuu ku cararo, taasoo u muuqatay inuu qaadaney go’aan aan sharci aheyn, maadaama uu shirka jaaraa’id ku qabtay meel duur ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa wariyayal u kaxeystay duurka Magaalada Gelinsoor, wuxuuna kula balamay inaysan warkaan faafin ka hor inta uusan isaga fasixin, wuxuuna saxaafadda fasax u siiyey inay warkaan faafiyeen markii uu Magaalada Gaalkacyo tagay

Guddoomiyaha ayaa safar dhulka ah ku tagay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca ay maamusho Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug uu xilkiisa mar hore iska casilay isla markaasna uu kamid yahay hadda Garsoorayaasha u shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali, ayaa lagu wadaa in maanta uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ee uu deegaanka ku yahay.

Go’aanka Maxkamada ayaa ahaa inuu sharci yahay go’aankii 26-kii September ay xildhibaanada Galmudug xilka uga qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Sidoo kale wuxuu sheegay in iyana ay sharci tahay go’aankii xildhibaanada Galmudug 30-kii September ay xilkii uga qaadeen Hogaamiye ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka kasoo baxay Maxkamada Sare ayaa cirka kusii shareeray khilaaf siyaasadeedkii ka dhex aloosna madaxda maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com