Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya oo dalbatay in xilka laga qaado Uhuru

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Martha Koome ayaa dooneysa in xilka laga qaado madaxweyne Uhuru Kenyatta, sababo la xiriira inuu magacaabo 6 ka mid ah 40-ka garsoore ee ay soo gudbiyeen guddiga adeegga garsoorka. 

Racfaan ka dhan ah xukun kasoo baxay Maxkamadda Sare, ayey Koome ku dooneysaa in maxkamadda racfaanka ay ku dhowaaqdo in xalka diidmada madaxweynaha ee ah inuu magacaabo lixda garsoore, uu yahay in xilka laga xayuubiyo. 

Maxkamadda Sare ayaa amartay madaxweynaha inuu dhaariyo lixda garsoore, taasi oo haddii uu ku guul-darreysto ay tahay inay sameyso guddoomiyaha Maxkamadda Sare. 

Si kastaba, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa diiday inay kaalintan qaadato, waxayna dooneysaa in Maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. 

“Waxaa lasoo jeediyey in maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. Ku dhowaaqista jebinta qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) waxay horseedeysaa in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo,” ayey tiri Koome.  

Qodobkan 166(1)(b) ee dastuurka oo ay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku eedeysay inuu jebiyey Uhuru ayaa dhigaya “Madaxweynaha waa inuu magacaabaa dhammaan garsooreyaasha, si waafaqsan soo jeedinta Golaha Adeegga Garsoorka.” 

Garsooreyaasha uu Uhuru diiday inuu magacaabo ayaa kala ah; George Odunga, Aggrey Muchelule, Prof Joel Ngugi, Evans Makori, Judith Omange iyo Weldon Korir, kuwaasi oo hadda Golaha Adeegga Garsoorka ay u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka.

Isaga oo sharxaya sababta uu u diiday inuu magacaabo garsooreyaasha, Uhuru ayaa soo xigtay warbixin uu sheegay inay usoo gudbisay hay’adda sirdoonka ee NIS, taasi oo sheegtay in lixda garsoore ay yihiin kuwa “wasaqeysan.” 

Si madaxweyaha xilka looga xayuubiyo, waa in mooshin ay soo gudbiyaan xubnaha Golaha Qaranka ama Baarlamanka, kadibna ay taageeraan saddex meelood meel (231 xildhibaan).

Muddo xileedka Uhuru ayaa waxaa ka haray kaliya lix toddobaad kahor inta aanay dhicin doorashada madaxweynaha.