Ethiopia oo lumisay saamigii ay DEKEDDA BERBERA ku laheyd ee ah 19 boqolkiiba

Hargeysa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa lumisay saamigii ay ku laheyd dekedda Berbera ee ahaa 19 boqolkiiba, kadib markii ay ku guuldarreysatay inay fuliso shuruudihii looga bahnaa si ay u dhameystirto lahaanshaheeda, waxaa sidaas sheegtay dowladda Somaliland. 

Tani waxay si rasmi ah ah u beddeleysaa heshiiskii la gaaray 2017 ee u dhaxeeyey Ethiopia, DP World iyo Maamulka Dekedaha Somaliland ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Ethiopia way ku guuldarreysatay inay kasoo baxdo shuruudihii looga bahnaa kahor waqtigii loo qabtay si ay ula wareegto saamigeeda. Sidaas darteed, wax saami ah ma lahan hadda. Balse waxaa xusid mudan in lahaanshaha aanu wax macno ah sameyneyn.”

Sida uu sheegay wasiirka, mid ka mid shuruudaha ayaa ahaa inay lacag ku tabarucdo dhismaha dekedda, taasi oo Addis Ababa ay ku guuldarreysatay inay soo gudbiso. 

Ethiopia iyo Somaliland ayaa iskaashi kula sameystay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta in dib loo dhiso dekedda Berbera, oo door weyn ka qaadata isku xirka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sida uu dhigay heshiiska la saxiixay 2017, DP World ayaa leh saamiga ugu badan ee dekedda oo ah 51 boqolkiiba, halka Somaliland iyo Ethiopia ay kala leeyihiin 30 iyo 19 boqlkiiba, sida ay u kala horreeyaan. 

Heshiiska ayaa la gaaray toddobaad kadib markii Jabuuti ay soo afjartay heshiis ay la gashay DP World oo ay ku maamuli laheyd dekedda Doraleh ee Jabuuti. 

Sida ku cad heshiiska 2017, dowladda Ethiopia ayaa laga doonayey inay horumariso waddo 260 km ah oo dekedda Berbera ku xirta xuduudda Ethiopia. 

Dowladda Ethiopia ayaan weli jawaab ka bixin go’aanka Somaliland ay ku sheegtay inay lumisay saamigeeda.

Si kastaba, Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa weriyayaasha u sheegay in dowladdiisa ay eegi doonto xaaladdan cusub.