Maxay tahay farriinta wafdiga ka socda Uganda ay xalay u gudbiyeen Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Uganda oo soo gaaray Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada dalka Uganda ayaa socdaalkaan ku wehliyey Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda, waxayna dowladani qeyb ka tahay howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

“Mudane John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal hambalyo ah iyo farriin ay ka sideen Madaxweynaha dalkaas Mudane Yoweri Museveni,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyadu.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyey wafdigaan ka socda dowladda Uganda, wuxuuna agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca sheegay in kulankii xalay diiradda lagu saaray howlgalka ATMIS oo ciidamada ugu badan ay ku leedahay Uganda.

Dhinaca dowladda Soomaaliya kulan wafdigaan uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku wehliyey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.