Gudoomiyaha Warsheekh oo dhaawacay xildhibaan sida biskoolad loo rido barayey

War-Sheekh (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada War-Sheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo barayey sida loo rido Biskoolad.

Xasan Xaaji Axmed Darafeey oo ah Guddoomiyaha Warsheekh ayaa la sheegay inay xabad kaga fakatay Xildhibaan Makaraan oo kamid ah Golaha Deegaanka intii la tusayey sida loo rido biskoolad.

Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa dhaawiciisa loola cararay Isbitaal Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inaan si ku talagal ah Xabadda loogu dhufan.

Waxaa soo baxayo warar aan la xaqiijin oo sheegayo inay labada Mas’uul isku qabsadeen lacago baad ah oo laga qaado Isbaaro balse Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay inaysan arrinta sidaas aheyn.

Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaanka ayaa la sheegay inay tahay mid halis ah, wuxuuna ku jiraa qeybta gargaarka deg deg ah ee Isbitaal Keysaneey.

Degmada Warshiikh ayaa waxaa loo dhisay Golaha Deegaanka, waxaana Guddoomiye loo doortay Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com