Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray dalab xasaasi ah kadib go’aankii ay qaateen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo shalay kamid ahaa siyaasiyiintii reer Waqooyiga ee qaadacay doorashada Golaha Shacabka, ayaa dalbaday in lagu soo laabto hanaanka isla-ogolka.

Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu joojiyo doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, gaar ahaan 12-ka kursi oo la shaaciyay in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Doorashada lagu dhawaaqay hadda ee la sheegayo in la qabanayo waxaa usoo jeedinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xafiiska dadka ka shaqeynaya inay dib u dhigaan oo loo qabto si la isla ogol yahay,” ayuu yiri.

Dalabka Cabdi Xaashi ayaa imanaya, ayada oo siyaasiyiinta reer Waqooyiga ay qaadaceen doorashada, kadib markii ay sheegen in kuraasta uu saaka soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo 22-ka bishaan oo ku beegan Sabtida maanta ah diiwan-gelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqijinta shuruudaha musharaxiinta ayna socon doonaan illaa 23-ka bishaan Janaayo.

Sidoo kale guddiga ayaa ku caddeeyey jadwalka in doorashada kuraastan la qabanayo 24-ka bishan janaayo ee sanadkan 2022-ka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli uu kal hore Ra’iisul Wasaare Rooble ugu eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu fara-gelin qaawan ku hayo doorashada, illaa haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Rooble oo ku aadan eedeynta loo jeediyay.