Gudoomiye Thabit oo lagu sharfay inuu furo kulan ciyaareed u dhaxeeyay Guriceel iyo Dhuusamareeb + Sawiro

Muqdisho (Caasimadda Online): Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo ka mid ah wafuudda ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ayaa galabta lagu sharfay inuu furo ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay labadda magaalo ee Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciyaartan oo lagu xoojinayay iska dhaxgalka iyo nabadda ayey dhalinyaraddu codsadeen in gudoomiye Thabit uu kala so qeyb galo unna u furo, duqa caasimadda ayana ka qeyb galay kulanka isagoo tuuray kubadii koowaad.

Daawadayaasha ciyaarta ayaa iyaguna fursad u helay iney gudoomiyaha gobalka Banaadir la sheekeystaan ,sawirana la wadaagaan.

Thabit Abdi oo goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la dhiiri galiyo sportiga , sidoo kale ciyaarta kadib waxaa uu sheegay inuu ka helay hab ciyaareedka wanaagsan ee dhalinyaradda labadda magaalo.

Kulankii u dhaxeeyay Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa kusoo idlaaday 0-0.

Siyaasiyiin badan ayaa wali ku sugan Dhuusamareeb si ay goob joog uga noqdaan dhameystirka heshiiska Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com