Safarka madaxweyne Farmaajo oo kala fur furay siyaasadda madaxda maamul goboleedyadda

Muqdisho (Caasimadda Online): Safarka madaxweyne Farmaajo uu kusoo maray Puntland hadana uu ku joogo Gal-Mudug, wuxuu u muuqdaa mid lumiyay isku xirkii siyaasadeed ee madaxdda maamul goboleedyadda Somalia.

Dowladda dhexe ayaa lagu dhaliilay kal hore qaabkii ay u wajahday dagaalkii maamul goboleedyadda gaar ahaan iney awoodi weysay iney midkood xitaa gacanta ku dhigto si ay u kala jabiso, laakiin hadda waxaa muuqda wax taa ka duwan, Dowladdu markaan waxey ciyaartay door siyaasadeed cajiib ah.

Tan iyo markii uu bilaawday safarka madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegay inuu yaraaday xiriirkii iyo iska warqabkii madaxda maamuladda, ilo muhiim ah ayaa Caasimadda Online u sheegay iney aad isugu soo dhowaadeen Farmaajo iyo Gaas taas oo aaney jeclaan Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa la sheegay inuu maalmihii dambe ka furtay hogaamiyaasha goboladda isagoo aad uggu soo dhowadaday madaxda Villa Somalia.

Ilaa hadda madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xoghayaha Guud ee golaha iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdi Cali Raage ayaa ka gadoodsan sidda ay wax u socdaan ,Shariif Xasan ayaa sidoo kale ku aragti ah.

Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaan la ogeyn mowqifkiisa inkastoo uusan ku jirin hogaamiyasha Emirate-ka wax ka helay, markii uu dhamaado safarka madaxweyne Farmaajo ayaa la filaya iney shir isugu yimadaan madaxda Dowlad goboleedyadda si ay isaga wareystaan mustaqbalka iskaashigoodda.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com