Taliyaha booliska oo wada qorshe rajo galinaaya dhalinyarada booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyaha KMG ciidamada Booliska Somalia Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, uu wado qorshooyin uu shaqadaha uga fadhiisinaayo Saraakiisha Booliska ee da’da ah.

Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa la sheegay inuu doonaayo ka hor inta aan xilka KMG ah laga qaadin uu isbedel ku sameeyo dhammaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir.

Qorshaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa la sheegay inuu yahay in dhammaan Saldhigyada Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir loo magacaabo dhalinyaro kasoo baxay Jaamacado oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti.

Dhalinyaradan oo qaatay min laba Xidig ayaa buuxin doona booska ay iminka kusii shaqeeyan Saraakiisha Taliska Booliska ugu magacaaban Saldhigyada Degmooyinka.

Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, oo ka duulaaya baahiyaha uu dalka u qabo in amniga lagu wareejiyo dhalinyarada da’da yare e heysta Xidigaha ayaa iminkaba si magacaabay ilaa laba Taliye Saldhig.

Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa dhowr Xafladood oo ay dhiganayeen Booliska ka sheegay in Taliska uu howlgalinaayo dhalinyarada kasoo qalinjabiyay Jaamacadaha ee heysta darajooyinka ciidan, waxa uuna sababta ku sheegay in dalka uu u baahan yahay isbedel.

Dhinaca kale, qorshaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Madaxweynaha dalka uu ku baaqay in howlaha amniga loo dhiibo Saraakiisha da’ yarta ee ka tirsan ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com