Wasiir ka tirsan DF oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Somaliland ee furaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamulka Somaliland uu shaaca ka qaaday inay sameynayaan furo ka duwan kan Somalia, ayaa waxaa haddalkaasi si kulul uga jawaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknoolajiyada Cabdi Canshuur Xasan.

Wasiir Cabdi Cashuur, ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalku galka dalka ee 252 ee Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu sheegay in maamulka Somaliland ka talaabeyso xadka, waxa uuna ku goodiyay in haddii ay dhacdo fulinta sameynta furo aan aheyn kan Somalia ay qaadi doonaan talaabo caqabad ku noqonkarta maamulka.

Cabdi Cashuur waxa uu shirkadaha isgaarsiinta uga digay inay bixiyaan furo cusub oo aan aheyn kan uu dalku caanka ku yahay.

Shirkadii isku daydaa inay sameyso furo aan aheyn 252 ayuu sheegay inay qalqal ganacsi iyo mid aqoonsi u abuuri doonto ganacsigeeda shirkadeed, waxa uuna ku baaqay in howlahaasi looga danbeeyo Wasaarada khuseysa.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay beejkiisa ayuu ku sheegay in Wasaaradiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran loogu samaynaayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhawaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira hawlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, sidaa aawgeed ay Wasaaradiisu Shirkadaha uga digeyso inay ka fogaadan faragalinta furaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com