Shirka Kismaayo ma tamkiin cusub baa mise?

Raali noqo haddii Oraahda Tamkiin aysan Af-Somali aheyn ama aadan fasari karin. waxaan waayay macno u dhigma oo Booska ii buuxsha, waxaase fasirka Tamkiin nooga filan in ay tahay waxi aad adigu hanatay oo aad leedahay, waxaase Magacan ku goooni ah hanashada awood ee dhul & dad.

Magaalada Kismayo, Taariikhda ay soo martayba waxay ku dambeysaa  gacanta Maamulka Juba Land ee uu madaxweynahu ka yahay Mudane Axmed Islaam(Axmed Madoobe). Maamulkan waxuu ku dhisan yahay miisaan Qabiil oo la mid ah kan Maamulada Soomaaliya ka jira. waxuuse gooni la yahay in hoggaankeedu (Axmed Madoobe) uu yahay Shakhisi lagu tiriyo Islaamiyiinta Soomaaliya ama xilli ka mid ah noloshiisa uu soo maray.

Kismaayo waxaa ka furmay Shir diimeed kulmiyay Culumo badan oo ka yimid Gayiga Soomaalidu degto. Shirkan Culumada  & Hoggaanka Juba Land waxaa laga sameeyay falan-qeyn kulansatay xad-gudub & gaabis, kuwaa oo ku tiirsan jecli & sidaan rabo. macnuhu waa falanqeyn aan xaqiiq raadis aheyn oo rag iska dhicin ku dhisan .

Culumada Soomaali, waliba kuwa Xarakada Ictisaam waxaa hadda & ka horba lagu yaqaanay Nadwo & shirar Cilmi oo ay qabtaan. Gobolada Puntland, SoomaliLand & Muqidsho intuba waa ka dhaceeen. ka qeyb galayaashuna waxba ma ka duwaneyn Mu,tamarka maanta ee Kismaayo , ma garanayo haddii  Magaca Shiikh Bashiir Salaad & deegaanka uu ka soo jeedo ay tahay xasaasiyad gaar ah. Shiikhu hadda ka hor, waliba xilli fog Boosaaso ayuu ku qabtay Shirar Dacwo mar & ka badan, Hargeysana tiro malahan. Sidaa darteeed Shirka Kismayo ee Culumadu waa Hawl joogto ah oo kolkan ay toogtiisu noqotay Magaalada Kismayo Caasimada Juba Land.

Mudane Axmed Modoobe waxuu ahaan jiray xubin ka tirsan Xisibiga Islaamka ee uu Hoggaamin jiray  Shiikh Xasan Dhahir Aweys, sidoo kale waxuu door ku lahaa dadaaalka ay Islaamiyiinta ku doonayeen in ay Qoriga ku meel gaaraaan.

Hadda  Axmed Madoobe waa hoggaamiyaha Juba Land. ma jirto macno & akhris laga fahmi karo isku xirka taariikhdi hore uu lahaa & tan manta uu yahay. Sidoo kale soo dhaweyntiisa Culumada ma fureysa baab aan aheyn in uu tix galin & wanaag u hayo Culmada Soomaali, ama saaxibadiis hore haddaan si kale u dhigo, labaduba waa Amaaan u noqoneysa Mudanaha.

Ogaalkeey Doodda Shirka waxaa ka furan dhanka qiimeynta wakhtiga & dhaqaalah Shirka galay,  kolki loo bar-bardhigo natijada shirka laga filan karo. sidoo kale waxaa ayana dood ka iman karta in la heli karo farsamo & qaab kale oo fariinta Shirka darteed loo sameeyay Bulshada lagu garasiin karo, kuwaa oo ka sahlan dhan walba qaabka Hadda shirku u dhacay. Waxaa hubaal ah in Dooddi intaa ka baxsan ay tahay mid aan wanaag & wax hagaajin loola jeedin. waana mid lagu qorayo baabka Rag iska dhicinta, baabkaa oo mustaxiil ka ah caqliga & xaqiiqi raadinta.

Guuud ahaan islaamiyiinta Soomaaliya waa la tuhmi karaa, waana suuro gal in wakhti walba ay rabaan Tamkiin cusub oo ka duwan kii hore ay ku fashilmeen, laaakiin tuhmada Shirka Kismayo waa mid bari ka ah arimahaa, waana mid mudan in loo daayo sida loo dhigay oo haddana ka muuqata, waana in la dhiiri galiyaa dadaalada noocan oo kale ee ku wajahan Islaaxa Bulshada.

W/Q: Mahdi Muuse

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid