Sharikad Mareykanka laga leeyahay oo shidaal ka baareysa Soomaaliya

MUqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe shidaal looga baarayo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya,waxaana qandaraaskan qaatay sharikad Mareykanka laga leeyahay.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa socdaal ku jooga Dalka Ingiriiska waxaana ay soo mareen dalka Norway.

Sharikadda shidaalka ka baareysa Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Exxonmobile, waxaana laga leeyahay Dalka Mareykanka.

Kulanka waxaa uu ka dhacay Magaalada Stavanager, waxaana wasiirka safarkiisa ku wehliya 8 xubnood oo  cilimiga Geolojiga bartay.

Waxaana hadda ay ku suganyihiin Magaalada London,halkaas oo sidoo kale la sheegayo in ay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo sharikadda SOM OIL & GAS ay heshiis ku saxiixdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com