Sawirro: Puntland oo kordhisay gaadiidka dagaal iyo ciidamada ku sugan Tukaraq

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh geeyay degmada Tukaraq iyo magaalada Laascaano ee gobolka Sool.

Maamulka ayaa saacadihii ugu danbeeyay kordhiyay ciidamada iyo gaadiidka dagaal ee deegaanka Tukaraq, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada ay wadaan dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay.

Boqolaal kamid ah ciidamada maamulka iyo gaadiidka dagaalka ayaa haatan ku sugan jiida hore ee Tukaraq, halkaas oo ay ciidanka difaaca Puntland ka bilaabi doonaan howlgalka xoraynta Sool.

Ciidamada maamulka ayaa waxaa horboodaaya Saraakiil kasoo jeeda deegaanka Tukaraq kuwaa oo loogu tallo galay in ciidamada maamulka Somaliland ka saran Tukaraq.

Ciidamada Somaliland iyo saraakiishooda ku sugan Tukaraq iyo Laascaano ayaa waxaa soo food saartay cabsi xoogan kadib markii ay kawar heleen diyaar garowga ciidamada maamulka.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Puntland aysan ka waaban-doonin dagaalka ay Somaliland uga xoreyneyso deegaanadeeda.

Hogaamiyaha ayaa duulaanka ciidamada ku tilmaamay mid daandaansi ah, waxa uuna carab dhabay in ciidamada Somaliland aysan hurdo ku gam’i doonin Tukaraq.

Natiijada sawirka ciidamada puntland ee Tukaraq

Natiijada sawirka ciidamada puntland ee Tukaraq

Natiijada sawirka ciidamada puntland ee Tukaraq

Natiijada sawirka ciidamada puntland ee Tukaraq

Natiijada sawirka ciidamada puntland ee Tukaraq

Sawirka la xidhiidha