Gudoomiye Yariisow oo u hanjabay mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar  Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa u hanjabay mucaaradka dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madax hore iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aysan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka, ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.

“Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).

Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.

Hadalka Yariisow ayaa dad badan u arkaan inuu ka adkeysanayo xilkiisa, kuna qancinayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Yariisow ayaa marar badan ku hadlay hadallo u muuqda inaysan isaga kasoo bixin, balse loo soo dhiibay.

Yariisow ayaa xilka loo dhiibay kadib markii meesha laga saaray guddoomiye Thaabit, oo diiday inuu noqdo qof loo meeriyo sida uu u shaqeynayo. Si kastaba, Yariisow ayaa xilkaasi qaatay, isaga oo diyaar u ah inuu noqdo guddoomiye magac u yaal ah oo ku shaqeeya maskaxda Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba, hadalkiisii ugu dambeeyey ayaa u horseedi kara dhibaato siyaasadeed iyo in looga yeero xarunta baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com