Roobow oo ballan-qaaday arrin aad u weyn haddii loo doorto madaxweyne

Baydhabo (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa galabta waxa uu magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Aqoonyahanada iyo Ardayda Jaamacadaha Baydhabo.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadiisa ku aadan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

In kastoo oouu  ka hadlay dhinaca Amniga, ayaa khudbadiisa waxa uu ku dabaqay hadba dadka kulanka uu la qaadanayay, waxaana uu sheegay in Goobo Diinta iyo Culuumta kale ee Maadiga lagu barto uu ka hirgelin doono deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaan balan qaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, runtii waxaan badin doonaa oo aan hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo Goobo kale oo Culuumta maadiga lagu barto” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

Mukhtaar Rooboow ayaa ka mid ah musharixinta tobanka ku dhow ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxana maalmahaan uu wadaa kulamo uu ku soo jiidanayo bulshada Magaalada Baydhabo.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com