Ciidamada DF oo qabtay hub suuqa Bakaaraha laga daabulayey loona waday beel dagaal ku jirta (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay hub laga daabulayay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo loo waday gobolka Shabeelaha Hoose, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Hubkaan ayaa sida xogta aan ku heleyno waxaa uu ku wajahnaa mid kamid ah beelaha ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana waday gudoomiyaha degmadaasi ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda degmada Wanlaweyn, kana tirsan maamulka HirShabeelle, ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladda ay ka hortageen in hubkaasi u gacan galaa mid kamid ah maleeshiyaadka ku dagaalama degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hubkaasi uu gacan ka geysan lahaa hurinta colaad beeleedyada maalmahaan ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu guddoomiyaha degmada ku eedeeyay inuu ka dambeeyo colaada u dhaxeyso labo maleeshiyaad oo wada daga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com