10 SHURUUD oo laga rabo musharaxiinta K/Galbeed (Roobow ma buuxin karaa)

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa maanta soo bandhigay shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya madaxweynenimada koonfur galbeed.

Shuuradaha waxaa ka mid ahaa:

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2 – Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3 – Da’diisu in aysan ka yaraneyn 40 sano.

4 – Leh  aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5 – Dhimirkiisu dhan yahay.

6 – Gelin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7 – Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8 – Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka) oo dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta guddiga doorashada.

9 – Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

10 – Waxaa kale oo laga rabaa: Inuu qeybiyo 200 oo nuqul oo barnaamijkiisa ah, Inuu barmaajikiisa ka hor sheego kulanka guud ee baarlamaanka Koonfur galbeed. Inuu gudbiyo Dokomenti cadeynaya inuu buuxiyey shuruudda.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com