Aqri: Guddiga doorashada K/Galbeed oo go’aan ka gaaray musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow

Baydhabo (Caasimadda Online)– Guddiga doorashada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey illaa seddex qosob oo xasaasi ah.

Guddiga ayaa soo saaray shuruudo horudhac ah oo la xiriira doorashada madaxtnimada ee la qorsheeyey in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba.

Guddiga ayaa maanta si cad u sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara.

Waxaa kale oo ay guddigu ay sheegeen in qofka noqonaya madaxweynaha Koonfur Galbeed ay qasab tahay uu helo codad gaaraya (Saddex meelood labo meel), 2/3, tirada Xildhibaannada Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa Musharrax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka dalbaday in uu soo gudbiyo warqadaha is casilaadda xilka wasiirnimo uu ka hayo dowladda federaalka ah.

Hadalka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa meesha ka saaraya isku daygii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doneysay inay uga hor-tagto musharaxnimada Mukhtaar Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com