Yaa iska lahaa doonidii ay ciidanka Midowga Yurub ku qarxiyeen xeebaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Afar maalin ka hor ciidamada Midowga Yurub ay qarxiyeen dooni mareysay inta u dhaxeya Xarardheere iyo Degmada Hobyo, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Milkiilahii doontaasi.

Maxamuud Abuukar Xasan oo ah Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu yahay milkiilaha doonida ay qarxiyeen ciidamada la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda ee Midowga Yurub.

Maxamuud Abuukar, ayaa warbaahinta u sheegay in doonidaasi ay ku xirneyd dekad Macmal ah oo ku taala duleedka degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kadibna ay burburiyeen ciidamada Midowga Yurub.

Midowga Yurub waxay sheegeen in doonidaasi ay aheyd mid ay lahaayeen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, ayna ka hortageen in maraakiibta ganacsiga lagu dhibaateeyo.

“Doon aan leeyahay oo kuwa waaweyn ah ayaa waxaa afar habeen ka hor waxaa Marsada Faax oo u dhow Hobyo, noogu yimid diyaarado iyo doomo, leyr ayay nagu daareen, kadib qoryo ayay nagu qabteen, kadib doonta ayay fuuleen weyna baareen, sababtana nooma sheegin, kadib shaqaalaha ayay baareen”

“Kadib waxay dhaheen doonta waan ka shakinay, weyna qarxiyeen waxayna sheegeen inay doon burcad badeed  qarxiyeen, taasina waa been anigaa ahaa milkiilaha doonta”ayuu yiri Maxamuud Abuukar.

Hoos u dhac weyn ayaa ka jira weerarada ay geysan jireen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida tan iyo sanadkii 2012, waxaase wali xeebaha dalka Soomaaliya ku sugan ciidamada ka socdo dalal dhowr ah oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com