Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo ka qeyb galaya shirka ay DF ugu yeertay ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii madaxda maamul goboleedyada ay shirkii ay ugu yeertay kaga qeyb gali lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana dadaaladaasi kusoo biiray QM iyo Midowga Africa.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali.

Kulankaasi ayaa waxay inta badan diiradda ku saareen sidii Xaaf u aqbali lahaa inuu ka qeyb galo shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday maamul goboleedyada iyo sidii labadooda ay shirkaasi kaga qeyb gali lahaayeen.

Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf uu aqbalay ka qeyb galka shirka Muqdisho, labadoodana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro.

Haddii labada masuul ay ka qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dhexmaraya dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaa xal laga gaari doonaa madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado iyo Guddoonka baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, iyadoo labadoodaba ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan.

Waxaa muuqaneyso in markii seddexaad heshiis ay gaari doonan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf oo marar badan is qabtay lana heshiisiiyay.

Beesha Caalamka ayaa la kulantay madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo dhamaantood laga doonayo inay ka qeyb galaan shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com