Si culeeska uga dego, Gaas ma raaci doonaa waddada Axmed Madobe iyo Shariif?

Garowe (Caasimada Online) – Wakiilada Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday kulamo ay la qaadanayaan madaxda maamul goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle oo heshiis la ah dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Jubbaland oo mucaarad ah iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Arrinta keentay khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxay tahay kadib markii la isku fahmi waayay siyaasadda maamulka dhaqaalaha caalamka ay bixiyaan iyo cunaqabateynta maamulada laga saaray xiriirkoodii dalalka deriska la ah Somalia.

Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas waxaa heysta Culeesyo kaga imaanayaan doorashooyinkooda isku xig xiga ee dhacaya bilaha soo socdo, waxaana masuul kastaa uu doonayaa inuu dagaal u galo soo laabashadiisa.

Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa u muuqdo kuwo aqbalay wadahal ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib balanqaadyo loo sameeyay, waxaana aad looga baqayaa culeeska siyaasadeed ee Shariif Xasan Heysta inuu sababo inuu xilkiisa waayo.

Axmed Madoobe ayaa u muuqdo mid rajo weyn ka qabo inuu soo laabto, sababtoo ah waxaa jiro Hanjabaado wasiirkiisa amniga uu jeediyay Shalay, taasi oo si cad u muujisay in marnaba aysan aqbaleyn shaqsi dhaqaalo lagu bixiyo inuu ka tartamo magaalada Kismaayo.

C/Welli Gaas ayaa heysta Fursad u horseedi karta inuu dib usoo laabto, taasi oo ah inuu saaxiib dhow ka dhigto hogaanka sare ee dalka, maadaama marar badana arrimo siyaasadeed ay isku qabteen.

Culeesyada Gaas ka heysto madaxweyne ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidamada iyo fulin la’aanta balanqaayadii uu sameeyay ka hor doorashadiisii ayaa horseedi kara in musharixiin kale uu culees kala kulmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com