Xog: MURSAL oo ku biiray loolanka doorashada ee madaxweynaha K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in kulan gaar ah uu xalay dhex maray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanada Koonfur Galbeed oo shalay kusoo  laabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo doorashada maalmo kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal C/raxmaan u gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo iyo rajada ay ka qabaan doorasho nadiif ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankaasi uu qeyb ka ahaa ololaha doorashada ee loogu jiro xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo Mursal uu taageero u raadinayo mid ka mid ah musharaxiinta.

Mursal iyo dowladda federaalka ayaa taageeraya musharax wasiir C/casiis Lafta-gareen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay doortaan ruuxa ay u arkaan inuu u wanaagsan yahay shacabka deegaanada Koonfur Galbeed oo aysan dantooda kaliya eegan, si gaar ahna isha ugu hayaan Lafta-gareen.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu tegi doono magaalada Baydhaba, halkaasoo maalmaha soo socda la sheegay inuu ka dhici doono dagaalkii ugu weynaa ee loo galo olole lagu dooranayo madaxweyne maamul Goboleed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa dareemaya culees siyaasadeed oo kaga imaanaya dowladda Soomaaliya, waxaana magaalada Baydhabo ku sugan musharixiin la tuhunsan yahay inay taageero dhaqaalo ka helayaan dowladda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com