Dhageyso: Farmaajo oo si culus u weeraray madaxda MAAMUL goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada Jubba ayaa sheegay waxyaabaha ugu weyn ee ay isku qabteen maamulada dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in maamulada dalka ay doonayaan inay iyaga yeeshaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, taasina aysan aheyn wax soconaya maadaama dastuurka uusan u ogolaaneyn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marka laga hadlayo nidaamka saxda ah ee Federaalka marnaba aysan suuro gal aheyn in siyaasad arrimo dibadeed ay yeeshaan mamul goboleedyada oo shaqooyin kale ay u yaalaan.

“Dowlad goboleedyada waxaa laga doonayaa inay adeegyada hoose dadweynaha gaarsiiyaan, waxaa usoo haray inay canshuuraha arruuriyaan, waxbarashada ka shaqeeyaan iyo arimaha kale, waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ee saxda ah”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in marka maamulada ay ku fakaraan inay sameeyaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, inay la micno tahay inay doonayaan in socdaalka badiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Laakiin maamul goboleedka hadduu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah, taasi macnaheeda waxa waaye waxaan doonayaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tago ayey rabaan, Waxaan ka wadaa haddii madaxweyne Dowlad goboleed uu la kulmo Salva Kiir, maxaa ka dhaxeeyo , ileen adigu dowlad goboleed ayaa tahaye”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana hadda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan khilaafkaasi.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com