Xog: Maxaa DF Soomaaliya looga reebay casuumaddii furitaanka Istanbul Airport

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaan lagu casuumin xafladdii 29-ka bishan lagu daahfuray garoonka Istanbul ee aduunka ugu weyn oo uu madaxweynaha Turkiga Erdogan xariga ka jaray, sababo la xiriira khilaaf ka dhex jira labada dhinac, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Soomaaliya ayaa laga reebay liiska 18 dal oo ay ka mid yihii Qadar, Sudan, Pakistan, Serbia iyo Uzbekistan oo iyagu lagu casumay xafladaas, inkasta oo markii hore qorsuhu ahaa in Soomaaliya la casuuumo.

Turkiga ayaa martiqaad u fidiyey dalalka saaxiibka dhaw la ah, hase haatee waxaa su’aal la’iska weydiiyey sababtii ay Soomaaliya uga qeybgalin waayeen.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaa loo aaneenayaa ka maqnaanshaha Muqdisho ee xafladaas go’aankii ay ku taageertay Sucuudiga ee ku saabsanaa dilkii loo geystay saxafi Jamal Khashoggi, oo Sacuudiga ku dhex khaarijiyeen qunsuliyaddooda Sacuudiga.

Waa tallaabadii labaad ee Turkiga ay qaadaan, oo ay ku muujiyeen sida ay ugu xun yihiin siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo qaabka ay u jihaysan tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa 27-kii bishan ka baaqday shir ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC), sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi .

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyey in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii xukuumadda Kheyre ay taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com