Guriga gudoomiyihi gudiga doorashada /Galbeed oo weerar lagu qaaday

Baydhabo (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bambaanooyin ku weerareen guriga guddoomiyihii guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan uu kusugnaa guriga xiliga bambooyinka lagu weerarayay, waxaana kadib goobta isaga cararay kooxahii weerarka geystay.

Carfo, ayaa noqday guddoomiyihii guddiga doorashada, balse markii dambe ayuu iska casilay, waxaana weerarka caawa gurigiisa lagu qaaday ay waxyeelo kasoo gaaray mid kamid ah ilaaladiisa iyo ruux wadada marayay.

Lama sheegin waxyeelo xildhibaan Carfo kasoo gaartay weerarka, balse waxaa dhaawacay oday marayay gurigiisa agtiisa iyo mid kamid ah ilaalada xildhibaanka, kuwaasi oo xaaladooda aysan darneyn.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer.

Lasoco waxii kasoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com