Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka oo cabsi qarax darteed looga kala cararay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, waxaana la fasaxay dhamaan shaqaalihii dowladda iyo ururka haweenka halkaas ka shaqeynayey kadib qarax la sheegay in la doonayo in lala beegsado.

Waxaa sidoo kale la fasaxay shaqaalihii is-xilqaan ee ka shaqeynayey tiyaatarka qaranka oo ka ag dhow guriga hooyooyinka.

Saraakiil ciidan oo ku sugan xarumahan ayaa Caasimada Online ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyey digniin amni oo ah in weerar qarax ah ku soo socdo guriga hooyooyinka. Digniintan ayaa la sheegay inay ka timid xafiiska amniga ee Villa Somalia.

Waxaa hadda dibada loo soo saaray ciidamo boolis iyo koofiya cas ah oo aad u adkeeyey amniga. Wali ma jiro war rasmi ah oo dowlada kasoo baxay oo arrintan ku saabsan.

Guriga hooyooyinka ayaa waxaa degan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale xarun u tahay ururka shaqaalaha rayidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com