Farmaajo oo ku baaqay in xildhibaanada iyo wasiirada ay mushaharkooda dhimaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaadaha Wabiyada Shabelle iyo Jubba.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay qaar ka tirsan xildhibaanada, Wasiirada, Culumada iyo Ganacsatada ayaa ugu baaqay inay lacago isugu daraan dadkaas dhibaatada soo gaartay.

Wuxuu Golaha Baarlamaanka ugu baaqay inay isugu imaadaan kulan deg deg ah si ay lacago uga jaraan mushaarka ay qaataan uguna caawiyaan dadka dhibban.

Sidoo kale Ganacsatada, Culumada iyo Diyaasbarada ayuu ka codsaday inay lacago dhiibaan taasoo u fududeyn doonto Dowladda Soomaaliya inay lacago badan u aruuriso dadka ku barakacay fatahaadaha.

“Xukuumadda iyada ha bilowdo inay mushaarka iska jarto, Meeshaan waxaa fadhiyo dad xildhibaano ah, in iyaga laftirkooda loo tago oo kulan la qabto Berri ama Berri dambe si iyagana mushaarkooda uga jaraan lacagihii loogu deeqi lahaa dadkaas dhibaateysan, idinkaa yaqaan waxa loo baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Ganacsatada kama rabno inay Percentage bixiyaan, iyagaa noogu jeeb weyn, waxaan ka rabnaa inay geeyaan wax walba oo ay hayaan, Culimada laftirkooda ma jeeb yara, haddii aan intaas isku geyno oo si hufnaan ah u bixino waxaan aaminsanahay in dad badan ay aaminayaan sida aan wax u wadno oo ay wax badan ku darsanayaan” ayuu sii raaciyey.

Baaqaha Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli ay fatahaadaha Wabiga ay saameyn xoog leh ku yeelatay Magaalada Beledweyne iyo Magaalooyin kale oo ku yaalo dalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Farmaajo