Guriga laga soo abaabulay weerarkii Gaalkacyo oo la ogaaday iyo rag la qabtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay ogaadeen gurigii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xarunta wadaadka C/Welli Cali Cilmi Yare.

Taliska ciidamada booliska ee Galmudug ayaa sheegay in howlgal labadii maalin ee lasoo dhaafay laga waday magaalada Gaalkacyo ay ku ogaadeen halka laga soo qorsheeyay weerarka iyo gurigii ay ku sugnaayeen ragga weerarka geystay.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag kale oo la rumeysan yahay inay abaabulka weerarkaasi wax ka ogaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ragga la qabtay oo hadda baaris ay ku socoto ayaa waxaa soo gashay xog la xiriirta inay soo dhaweeyeen ragga weerarka ka dambeeyay iyaga oo ka keenay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale oo ay ku raad joogaan dad kale oo tuhunka weerarka uu soo galay.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com