Guddoonka BF awood ma u leeyahay inuu kala diro guddi ka mid ah golaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo iyo doodo ayaa ka yimid sharciyadda uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa cuskanaya qodobo sharciyeed, taasoo ah in Guddoonka aanu awood u laheyn inuu kala diro Guddi ka mid ah Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo la tashanaya kuxigeenadiisa kadibna waxaa ogollaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xee rhoosaadka Golaha Shacabka.

Sida lagu magacaabay oo kale, waxaa guddiga lagu kala diri karaa marka uu Guddoomiyaha soo jeediyo, Golahana uu aqbalo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka, horayna u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaankii KMG ayaa sheegay in haddii go’aan la gaarayo ay tahay midka Golaha uu gaaro.

“Haddii go’aan ama qaraar la gaari karo waa midka Golaha uu gaaro, go’aan uu Gole shacab gaaro ayaa lagu kala diri karaa, Guddi ha noqdo ama Guddoomiye ha noqdo, go’aan gaaris arrinteeda la hal maasha waxaa is ka leh Golaha Shacabka, asiga ayaa awood u siinaya cid kasta ha noqotee”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa.

C/weli Muudey ayaa sheegay inuu Guddiga kala diray, kaddib markii uu la tashtay Guddoomiye kuxigeenka labaad, isla markaana uu Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda soo kala dhex galay khilaaf.

Go’aanka kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa sabab u ah, kaddib markii Guddiga dhowaan soo bandhigay warbixin lagu sheegay in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda, isla markaana ay laanta Fulinta sameysay wax is daba marin iyo lacago la lunsatay.

Dadka odorasa arrimahan oo kale ayaa sheegaya in khilaafka Baarlamaanka dhexdiisa uu sababi karo in mar kale Golaha noqdo mid qalalaaso siyaasadeed, kaasoo saameyn ku yeesha kulamadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com