Wasiir Khadiijo oo dab ku shiday khilaafka gudiga maaliyadda ka taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda.

Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey”

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda.

Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero dhanka Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeysay. qorshaha lagu kala diray Guddiga Maaliyadda.

Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub

Tallaabadan ayaa ka dhigan in dhammaan xubnihii Guddigaas oo u badnaa Mucaaradka in la kala diray, taasoo muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala dirista Guddigan ay Xukuumadda gadaal ka riixeysay, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis.

Waa markii u horeysay ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com