Guriga taliyeyaal ka tirsan hay’adda NISA oo qaraxyo lagu weeraray + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qaraxyo ah oo saaka lagu qaaday guri ay degmada Dayniile ka dagan yihiin taliyaha Nabad Sugidda degmadaasi iyo taliyihii ka horreeyay ee NISA ee isla Dayniile.

Qaraxyada oo ahaa miino, isla-markaana labo ahaa ayaa lagu weeraray dhismaha guri ay si wadajir ah u dagaan yihiin labada taliye, kaas oo ku yaalla xaafadda Saban Saban.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo taliyihii uga horreeyay xilkaasi, Cumar Cabdi Fiidow ay labaduba dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyada saaka aroortii hore lagu weeraray gurigooda.

Sidoo kale waxaa weerarkan ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah askar ilaalo u aheyd labada taliye iyo xubnaha kamid ah qoyska, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Dayniile, kadib qaraxyada xoogan ee ka dhacay halkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgalka xigay.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxyada ah ee lagu qaaday guriga ay dagan yihiin taliyeyaashaasi oo si weyn looga maqlay Dayniile

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorseysan.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada dowladda iyo saraakiisha ku sugan Muqdisho.