Madaxda DF iyo maamul goboleedyada oo gaaraya heshiis doorasho oo culus

Baydhaba (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa lagu wadaa inuu 14-ka bishan ka furmo magaalada Baydhaba ee Xxarunta KMG Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxdu ay aalaaba shirka uga wada hadlaan, hadba marxaladda uu markaasi dalka marayo.

“Mar walba oo madaxdu shirkan isugu yimaadaan, waxay ka wada hadlaan xaaladda dalka uu markaas ku sugan yahay, oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.

Agaasimaha ayaa tilmaamay ajandaha ugu muhiimsan ee shirka 14-ka bishan ka furmaya magaaladaasi inuu yahay, in ay madaxdu heshiis kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Marka laga soo taggo ajandayaasha joogtada ah, oo amniga xoreynta dalka, siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ka mid yihiin, hadda Baydhabo waxay u ballansan yihiin inay ka hadlaan doorashooyinka dalka, oo heshiis kama dambeys ah in laga gaaro oo dabcan doorashada soo socoto lagu saleynayo. Insha’Allah waxa aan rajeynayno inay sal u noqon doonto, sano badan oo soo socdana nidaam doorasho oo la isku ogyahay, oo xisbiyo ku dhisan oo dimoqraadi ah in la helo,” ayuu yiri agaasimaha.

Waxa uu intaasi ku daray “Sidoo kale ajandaha Baydhabo yaalo, waxaa ka mid ah Federaaleynta Maaliyadda, in laga heshiiyo Nidaamka Maamulka Maaliyadda ee dalka. Sidoo kale ajandaha amniga oo horey 2017 looga soo heshiiyay ayay rabaan dhameystir inay ka sameeyaan, haddii Alle idmo, oo qodobo su’aalo ka soo noqdeen ay ku dhameystiri doonaan.”

4-tii shir ee shirkan ka horreyay oo madaxdu ku yesheen Caasimadda Muqdisho ayay ku lafa-gureen siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, iyagoona si dhow uga wada hadlay qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Qorshayaashaas ayaa waxaa ugu horreeya xoojinta wada shaqaynta Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka Dastuurka KMG, adkeynta amniga dalka & dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waa mid labadii biloodba ay mar isugu yimaadaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana mararka qaarkood kala qaybgala Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre iyo Raysal Wasaare ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.