Qiil yaab leh oo la sameeyey farqiga muddo kororsigii Farmaajo iyo midka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)- Abuukate Zakariye Yuusuf ayaa qiil yaab leh u sameeyey muddo kororsiga uu qorsheynayo baarlamanka Soomaaliya, ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo sheegay waxa uu uga duwan yahay kii la diiday sanadkii 2021-kii.

Abuukaataha ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu wax ka beddelo dastuurka dalka, sida qodobada qeexaya muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Wuxuu sheegay in qodob ka mid ah dastuurka uu baneynayo in wax laga bedeli karo qodobkii loo baahdo, isla markaana ay awood u leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan marin afti dadweyne, sidaas darteed ay awood u leeyihiin inay wax kasta uu ka bedelo baarlamaanka Soomaaliya.

Maalmahaan waxaa xoogeystay guuxa ku saleysan muddo kororsi la sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso, iyadoo la bedelayo qodobka dhigaya in afar sano ay xukunka joogaan madaxweynaha iyo baarlamaanka, taas oo la qorsheynayo in laga dhigo shan sano.

“Qorshaha socda muddo kororsi maaha, sidaas looma dhigi karo, weriyaasha waxaa laga rabaa inay dadka saxaan, qodobada hada la bedelayo waligood ayey sidaas ahaanayaan, marka mudo kororsi maaha ee waa wax ka bedel qodobo dastuuri ah,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye oo wareysigaan siiyey Universal TV.

Weli waxaa dhegaha dadka Soomaaliyeed ka sii guuxaya diidmadii iyo dagaalkii uu la kulmay Farmaajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi laba sano ah.

Magaalada Muqdisho waxaa gudaha u soo galay ciidan awood uga hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, taas oo muujisay in dadka Soomaaliyeed aan la qaadsii karin wax aysan raali ka aheyn, waxaana awood ciidan oo lama filaan ah looga hor tegay dowladdii Farmaajo oo heysatay ciidan xoog leh oo toos uga amar qaata.

“Muddo kororsigii hore iyo wax ka bedelka hadda dastuurka lagu sameynayo isku mid maahan, taasi waxay aheyd doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu qabanayaa labada sano ee mudo kororsiga ah, tana waa in wax laga bedelayo dastuurka ee mudo kororsi maaha, waa waqti la sharciyeynayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuukaate Zakariye.

Hoos ka daawo