Sawirro: Doorashada kursi ka banaan BF oo lagu qabtay Baydhaba – Yaa kusoo baxay?

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#176.

Doorashada kursigan ayaa waxaa u tartamay laba musharax, kuwaasi oo kala ahaa Mukhtar Maxamed Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi.

Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay kursiga HOP#176, sida uu shaaciyay guddiga ku-meel gaar ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan BF.

Guusha Mukhtaar ee kursigaan ayaa timid kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Samow Abdi, ayada oo sidaasna gacan taag loogu codeeyay Mukhtaar Maxamed Mursal oo helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneyd.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudo-galay, waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Mohamed Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka.

Mukhtar Maxamed Mursal ayaa waxaa dhalay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Booroow) oo 20-ka bishii September ee sanadkii hore ku geeriyoodey magalada Muqdisho.

Kursigan ayaa noqonaya kii afaraad ee doorashadiisa uu qabto guddigaan, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

Guddigan ayaa sidoo kale dhawaan qabtay doorashada kursiga HOP#086 oo muran badan uu ka taagna hab maamulkiisa, ayada oo laga soo wareejiyay deegaan doorashadiisi oo aheyd Beledweyne, islamarkaana lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kursigaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin kadib markii la laalay doorashadiisa ayaa waxa uu guddiga sheegay in uu kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed.

Si kastaba, Guddiga KMG ee doorashooyinka oo uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay inuu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.