Dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Baay

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo maanta deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada huwanta ee deegaankaasi, ayada oo halkaasi uu ka dhacay dagaal la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka ay kusoo qaadeen dagaal-yahaanada Shabaab, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkaas uu ku dhaawacmay hal askari, waxaana goobtii lagu dagaalamay hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in dagaalka jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda guud ee deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay ayaa la sheegaya inay tahay mid degan, waxaana halkaasi howl-galo ka wada ciidamada huwanta ee ku sugan.

Goof-gaduud Buureey oo ah deegaan muhiim ah oo kamid ah deegaanada laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.