Daawo: Sheekh Usuuli oo si yaab leh ugu jawaabay taageerayaasha Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa qabtay barnaamij uu uga hadlayey arrimaha qabiilka, waxaana su’aal adag weydiiyey mid ka mid ah dhageystayaashiisa.

Dhageystahaas oo la soo xiriiray Sheekh Usuuli ayaa weydiiyey sababta uu hadda uga hadlayo arrimaha qabiilka oo xiligii uu Farmaajo xilka hayey uu uga hadli waayey dhibaatooyinka qabiilka.

“Qabiilo badan ayaa ku kacsanaa Farmaajo, mana ka hadli jirin arrimaha qabaa’ilka, maxaay tahay sababta u soo qadatay arrinta hada ma dowladaa tageero u tahay?” ayuu yiri dhageystahaas.

Sheekh Usuuli oo si adag uga jawaabay weydiintaas ayaa sheegay in weligiis uu ka hadli jiray xumaanta qabyaaladda, balse uu ninkaan la soo xiriiray ula muuqdo mid hadda aqliyeystay oo waxyaabihii lasoo maray aan ogeyn.

“Dowladihii hore ayaan kala hadli jiray arrimaha qabiilka, xitaa Xasan Sheekh dowladiisii hore waxaad heleysaa canjalado aan uga hadlayo qabyaaladda iyo xumaanteeda, waxaa laga yaabaan in dhageysiga aad soo bilowday xiliyadii Farmaajo, marka ha igu xukmin waxa qalbigaaga ka guuxaaya,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ku dhacday dowladii Farmaajo ay aheyd taageerayaal aan Alle iyo Rasuul midna aqoon oo dadka caaya.

“Waxay Farmaajo ka dhigeen qof aan qaldamin, dadka dhan waxay ka dhigeen kuwo xun, Farmaajana waxay ka dhigeen ninka ugu fiican, ninkaas waxaa dadka ku diray taageerayaasha qaldan, kuwaas ayaan la dagaali jirnay oo xaqa tusi jirnay,” ayuu yri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cismaan Usuuli oo barnaamij toos ah ka siidaaya TV-ga Universal ayaa lasoo weydiiyaa su’aalo mararka qaar xasaasi ah, kuwaas oo si cajiib ah uu uga jawaabo, waxayna inta badan jawaabaha Shiiqaan abuuraan hadal heyn iyo xiiso gaar ah.

Hoos ka daawo