Saciid DENI oo go’aan kasoo saaray doorashada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Deni oo wareegto soo saaray ayaa asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

“Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023,” ayuu lagu yiri wareegtada.

Go’aanka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda warqaddii dhowaan ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka mamaulkaas, ujeedadeeduna tahay mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND.

Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD