Midowga Yurub oo dhoola-tus militari sameynaya kadib weerarkii Nord Stream

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay qabtaan dhoolatus wadajir ah oo ay samaynayaan ciidamadooda baddu, kaasi oo ay doonayaan inay ku ilaaliyaan kaabayaashooda muhiimka ah ee dhinaca badda.

Walaaca la xidhiidha khataraha ku imaan kara kaabayaasha badda ee Midowga Yurub ayaa sii xoogaystay, kadib weerarkii bishii September ee sannadkii hore lagu qaaday dhuumaha shidalka ee Nord Steam, kuwaas oo dhex-mara badda Baltic-ga.

Midowga Yurub ayaa dib u cusboonaysiiyey istaraatejiyadohooda dhinaca amniga badda, iyaga oo soo saaray laga bilaabo sannadka 2024 inay sannad walba qabtaa dhoolatus dhinaca badda ah iyo inay isku xidhaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub.

Sidoo kale waxay isku raaceen sidii loo ilaashan lahaa dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha badda hoos mara iyo kaabayaasha kale ee badda ee muhiimka ah.

Madaxa dhinaca deegaanka u qaabilsan Midowga Yurub ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in dhoolatuskani uu qorshaysnaa ka hor weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka Nord Stream, hase ahaate la sii dardar-geliyey qorshahan kadib markii weerarkaasi dhacay.

Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay kor u qaadaan iskaashiga Yurub iyo NATO ee dhinaca badda, si ay u nabad-galaan dhuumaha shidaalka, maraakiibta ganacsiga kala gudbisa iyo isticmaalka nabadgalyada marinka Badda.

Qorshahan ayaa fulintiisa ayaa waxaa looga faa’iidaysan doona dayax-gacmeedada Midowga Yurub iyo la socoshada gaadiidka badda.