GUUDLAAWE oo war kasoo saaray qaraxyadii Beledweyne, kuna dhowaaqay inuu…

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii u horeysay goordhoweyd ka hadlay weeraradii xalay gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weeraradaas ayaa waxa ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay ku naf waayeen mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Aamino Maxamed iyo dad kale oo uu ku jiro xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Guudlaawe ayaa si adag u cambaareeyay falalkii argagixiso ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, isaga oo ka tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee xalay.

“Waxaa dhacday masiibo, xalay fiidkii ayaa magaalada Beledweyne waxa nagu qabsatay musiibo ay ku baxeen dad bulshada indhaheeda iyo caqligeeda ah oo isugu jira siyaasiyiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo dadka dhaqi jiray dadka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ballan-qaaday in dadka dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxyadaas ay u qaadi doonaan meelkasta oo wax looga qaban doono xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay illaa maanta ay ku mashquulsanaayen ururinta xogta saxda ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas, isaga oo xaqiijiyay dhimashada 48 ruux, halka ay dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen 108 qof.

“Labo qarax oo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada midka hore waxa uu ahaa qof nafti halige ahaa ayaa dhex ka galay mas’uuliyiin socota oo kamid aheyd xildhibaano Aamino iyo dad qaali ah oo la socday waxayna noqdeen wax dhintay iyo dhaawacmay. Kadib markii dhaawaca la qaday waxa la kulmay qarax gaari oo asagana dad badan ay ku sugnaayeen,” ayuu yiri Guudlaawe asaga oo ka warbixinaya sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeriya ah muujiyaan xiligaan uu dalka ku jiro doorashada, maadama uu sheegay in kooxaha argagixisada uga faa’iideysanayaan xaalada lagu jiro falalkooda arxan darada ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu amray maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.