Xog: Dalalka ay u dhasheen qaar ka mid ah ajaanibtii lagu dilay weerarkii Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegen booliska.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM, halka qofka lixaad uu ahaa Soomaali.

Dadka ku dhintay weerarka ayuu sheegay afhayeenka inay ku jireen tababarayaal ka caawiya dowladda dhinaca tababarka qaraxyada, hase yeeshe ma shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Labo kamid ah shanta ajaanibta ah ee ku dhintay weerarkaas ayaa kasoo jeeday dalka Kenya, halka mid kalena uu dhalasho ahaan kasoo jeedo wadanka Uganda.

Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareeysay weerarkaas, ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi, si loo horgeeyo cadaaladda.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu weerarkan dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Si kastaba, weerarada kooxaha argagixisada ayaa muddooyinkii dambe sare u kacay, kadib markii ay hay’addaha amniga ay ku milmeen siyaasada, qeybna ka noqdeen doorashada Golaha Shacabka, waxayna midaan waji gabax ku abuureysa damaca Farmaajo oo mar kale doonaya inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya