Imisa lacag ayaa Laftagareen uga khasaartay kursigii uu la raadshay walaalkiis?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa guul darro culus kala kulmay tartankii kursiga HOP63, oo shalay lagu doortay magaalada Beledweyne, Laftagareen ayaa kursigaas u rabay walaalkii Daahir Xaaji Aadan oo ay ilmo habreed yihiin.

Senator hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu doorashada kursigaas ku bixiyey lacag ku dhow hal milyan oo dollar.

Senator Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyadu ugu dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta heysa darteed, isagoo nasiib darro ku tilmaamay sida uu u dhaqmayo Laftagareen.

“Waa arrin aad iyo aad looga xumaado in lacag ku dhow hal milyan oo doolar lagu bixiyo kursi deegaan kale yaallo iyadoo deegaannada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyada u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta darteed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Qoraalka uu Senator Xuseen soo saaray wuxuu intaas ku sii daray, “Qiyaas meeqa qoys oo reer Koonfur Galbeed ah ayay afur u noqon lahayd lacagtaas haddii dadka masaakiinta ah la siin lahaa xilli bisha Ramadaan ay foodda nagu soo hayso?”

Daahir Xaaji Aadan oo dhanka Hooyada ay walaalo ka yihiin Laftagareen ayaa u tartamay kursiga HOP63, oo horay Cabdullahi Goodax Barre uu ugu fadhiyey, balse waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin, iyadoo la isla gaaray seddax wareeg.

Laftagareen oo xusul duub ugu jira sidii uu Farmaajo xukunka ugu soo celi lahaa ayaa si aan horay loo arag u maamulay dhowr iyo lixdan kursi oo baarlamaanka Soomaaliya ka soo gashay deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu meesha ka saaray siyaasiyiintii muhiiimka aheyd ee Koonfur Galbeed, isagoo kuraastii ku tixay dhalinyaro aan qaarkood weligood siyaasadda ka shaqeyn, hadafkiisa ugu weyn waa inuu Farmaajo xukunka ku sii hayo.

Siyaasiyiin badan iyo dadka falanqeeya siyaasadda waxay qabaan, hadii Farmaajo meesha ka baxo in Laftagareen uusan ka dambey doonin, maadaama uu cadaw ka dhigtay dhamaan siyaasiyiinta deegaankiisa.