Guuleed: “Indhaha lagama qarsan karo qadiyadda Somaliland hadda kadib”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hadlay dabaal-dega 28-guuradii ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay dalka Soomaaliya.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in qadiyada Somaliland ay tahay qadiyad aan marnaba indhaha laga qarsan karin.

C/kariin ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka oo u dhigna sidan:

“Qadiyadda Somaliland waa qadiyad aan marnaba indhaha laga qarsan karin una baahan in lagu wajaho go’aan iyo geesinimo u dhiganta mugga iyo xajmiga ay leedahay. Waayo waa qadiyad 30 jirsatay dib u dhiska hanaanka dowladnimo ee Soomaaliyana ay wax weyn kaga xiran yihiin”.

Deegaanada Somaliland ayaa maalintii Sabtidii waxa looga dabaal-degay xuska 18-ka May oo ah 28-guuradii ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya.

Balse, muddo 28-sano kadib Somaliland ma helin wax aqoonsi ah, iyadoo ku naaloneysa nabad-gelyo balaadhan iyo geedi socodka dimuquraadiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com