Sharciga shidaalka dalka oo la ansixiyey xilli ay aad u diidan yihiin maamullada

Muqdisho (Caaasimada Online) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga shidaalka dalka, oo xukuumadda Soomaaliya ay dadaal xooggan u gashay sidii loo ansixin lahaa.

Sharcigan oo lagu ansixiyey hab gacan taag ah, ayaa waxaa taageeray 150 xildhibaan, waxaana kasoo horjeestay afar xildhibaan

Sharciga la ansxiyey maanta ayaa ah kii sanadii 2008 oo wax laga beddelay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa inay bartamaha sanadkan bixiso shatiyada shidaal qodista dalka Soomaaliya, oo shirkado caalami ah laga iibin doono.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo xiriir hoose la leh shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya, ayaa toddobaadyadan dadaal ugu jiray inuu codad u helo sharcigan, isaga oo la kulmay xildhibaano badan oo qaarkood lacago la siiyey.

Sharciga maanta la ansixiyey ayaa waxaa aad uga soo horjeeda maamul goboleedyada dalka, oo ku doodayay inaan laga talo-gelin, islamarkaana uu ku gaar yahay dowladda federaalka.

Shirkii horaantii bishan lagu qabtay magaalada Garoowe ee dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa qodobada la isku mari waayey ee shirka waxaa ka mid ahaa sharcigan.

Dadaalka ay xukuumadda ku bixisay ansixinta sharcigan xilli ay diidan yihiin maamullada ayaa kasii dari doona khilaafka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com